Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay go’aankii ay Puntland deegaanadeeda uga mamnuucday Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Dowladda.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Somaliya, ayaa sheegay inaysan aqbaleyn in Puntland loo diido inay tagaan Wasiirada Dowladda iyo Shaqaalaha rayidka.

Puntland ayaa Axadii qoraal ay soo saartay ku sheegtay inta ay socoto doorashada in laga mamnuucay deeganada Maamulkaasi Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federalka inay tagaan Garowe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland aysan aheyn Waqooyiga Kuuriya oo xir xiran, balse ay tahay dhul Somaliyeed oo cid kasta xaq u leedahay inay tagto.

“Waxaan aad uga xumahay oo aan suurtageli doonin oo dhaqan cuusb oo aan yeeli doonin. Erayga Cusub oo ah Wasiirada Dowladda ma imaan karaan, halkaan waqooyiga Kuuriya maahan oo xir xirneyd, qof kasta oo muwaadin ah inuu yimaado ayuu xaq u leeyahay mana jirto cid awood u yeelan karta.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Hadalkaan ayaa Xildhibaan Cali Xoosh wuxuu ka jeediyay kadib markii isaga iyo Xildhibaano kale ay taggeen Magaalada Garowe .

Puntland ayaa 8da bishan oo maalmo inaga xigaan waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Puntland oo Musharaxiin badan ay u taagan yihiin.