Ayadoo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen Miisaaniyada Dowlada ee 2019 ayaa waxaan maanta lagu wadaa in  ay cod galiyaan.

Xildhibaanada ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, halkooda kasii wadi doona kulamadooda caadiga ee xarunta Golaha Shacabka ku qabsadaan.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.