Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyada iyo is afgaradyada lala galay dalal shisheeye.

Sida aan wararka ku helnay illaa 10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedin ku saabsan heshiisyada lala galay dalalka shisheeye, intii uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo laga codsaday Guddoonka inuu furo dooda ku saabsan heshiisyadaas.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday safaradii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya iyo heshiisyadii is afgaradka saddexda dalka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Mooshinka Xildhibaanada ka gudbiyeen Heshiisyada uu galay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili uu jiri khilaaf ka dhahsay kala diristii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

moshi
moshin-2