Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabada ku aadan Aaska Qaran ee loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.

Xuseen Cabdi Cilmi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

Waxaa uu sheegay in Aaska Wasiirka ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Qaranka, islamarkaana ay dhici weyday in maanta la keeno.

Guddiga loo xil saaray ayaa xalay yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed  waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.