Wararka laga helayo Kooxda Kubada Cagta ee Heegan, ayaa ku soo waramaya in Maamulihii Kooxdaas uu gabi ahaan isaga tagay Shaqadii uu ka hayay Kooxda Heegan oo ka ciyaarta Horyaalka heerka 1-aad ee Dalkeena Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya Kooxda Heegan Macalimuu Axmed Cadiraxmaan Cumar Gaadaamoow, ayaa laga ceyriyay Shaqadii macallinimo ee Kooxda Heegan oo sanadaan iyadu isaga hartay tartanka Jeneraal Daa,uud.

Gadaamow ayaa qabtay shaqada kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 2016 markii kooxda laga buriyay Tababarihii felix nwosu kaa uu u dhashay dalka Kenya.

Dhinaca kale Kooxda Heegan, ayaa shaacisay inay la soo wareegeen Macallinkii hore ee Kooxda Elman Ninka lagu Magacaabo Ruberto Mayanja oo ka soo jeeda Dalka Uganda.