Kooxda Elman, ayaa shalay iska xaadirisay Fiinaalaha Tartanka Jeneral Daa,uud ka dib markii Guul Dahabi ahayd ay ka gaareen Dhigooda Heegan Kulan ka tirsanaa Tartanka Jeneraal daa,uud gaar ahaan Wareega 4-dhamaadka Tartankaasi.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0 oo labada kooxod isku mari waayay, balse markii dib la isku soo laabtay Qeybtii dambi ciyaarta kooxda Elman ayaa heshay goolka ay Finaalka Geeyay waxaana u dhaliyay Xidiga Wardi Xasan sidaas ayee ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Elman.

Kooxaha Dekada iyo Savana tii soo adkaata, ayaa Fiinaalaha la ciyaari doonto Kooxda Elman oo iyadu shalay ka soo adkaatay Kooxda Heegan kulan la isku riiqmay.
Tartanka Generaal daa,uud, ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta isniinta ah oo ay Taariikhdu ku beegantahay 16/10/2017, maadaama Kismaayo uu ka furmi doono Tartanka Gobolada Soomaaliya.