Koooxda Dekadda, ayaa jartey jidkii ay ku tagi lahayd Wareega 4-Dhamaadka Tartanka Jeneraal Daa,uud, ka dib markii ay Guul dahabi ah ka gaareen Kooxda Midnimo oo ay shalay ku Dagaalameen Garoonka Banaadir Stadium ee Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan oo ay kasoo qayb galeen daawadayaal aad ufara badan ayaa qaybtii hore ee Ciyaarta kusoo gaba_gaboobmay bar baro goola,aan ah 0-0.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta Wiilasha Macalin Sandhool ayaa helay gool kulaad daqiiqadii 74-aad, hase ahaatee goolhaye Xasan Ibraahin Cali oo markii hore keenay gool kulaadka ayaa Kooxdiisa ka badbaadiyay nasiib wanaag markaas uu kubada ka qabtay Cayaariyahan Abuukar Axmed Muqtaar.

Daqiiqadii 83-ad ee Ciyaarta Kabtanka Kooxda Dekeda, ayaa Gool aad u Quruxbadnaa ugu shubay Kooxda Midnimo oo shalay sameysay dadaal dheeri ah, balse Nasiib darro 1-0 ayaa looga adkaaday, sidaas ayeyna tartankaan isaga hartay Midnimo.

Kooxda Dekeda, aya ku biirtay Kooxaha Heegan iyo Elman oo iyagu horay u xaqiijiyeen inay u soo gudbeen Wareega 4-Dhmaadka ee Tartanka Jeneraal Daa,uud.