Kulan aad u xiisa badan, islamrkaana ka tirsan Tartanka Generaal Daa,uud, ayaa galabta lagu ciyaari doonaa Garoonka Banaadir Staduim ee Degmada C/Cassii, kulankaan, ayaana dhexmari doona Kooxaha Dekeda iyo Midnimo.

Labadaan Kooxxod Middi soo adkaata waxay usoo gudbi doonta wareega 4-Dhamaadka ee Tartanka Generaal Daa,uud oo ay horay ugu soo gudbeen Naadiyada Elman iyo Heegan.

Kooxda Dekeda, ayaa haysata Fursad fiican oo ay uga soo bixi karto Kooxda ay galabta la ciyaarayso ee Midnimo, marka la fiiriyo Ciyaartooda Labada Kooxood, inkastoo Koxda Dekeda ay lumisay Ciyartooydii u suura galisay inay hantaan Horyaalka Soomaaliya.

Sido kale Kooxda Dekedda waxaa ciyaartan ka maqnaan doona Cabdulaahi Cali Bile kaa uu gacanta jug ka soo gaartay kulankii ay guusha ka gaareyn kooxda Banaadir Sports Club.

Kooxda Midnimo kulankii ugu dambeyay waxeey bar baro la soo gashay kooxda Gaadiidka kulan ku soo dhamaaday 2-2 ay labada dhinac ku heshiiyen.