Booska Daafaca bidix ayaa dhibka uu ka haystaa kooxda United, laakiin Jose Mourinho ayaa aaminsan in Haddii uu Alex Sandro yimaado in uu xal u helayo, iyaago diyaar uu ah in ay ku qarash gareyaan aduun dhan £80milyan.

Laakiin Xili Ciyaareedkaan kooxda Manchester United ayaa ku garaacday Chelsea saxiixa Lukaku oo silama filaan ah ugu dhaqaaqay garoonka Old Trafford.

Markale Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu ku garaaco Chelsea iyo tababare Conte xiddiga muddada dheer bartilmaameedka u ahaa ee Alex Sandro.

Tababare Massimiliano Allegri, ayaa doonaya inuu ka diro kooxda ka dhisan Turin daafaca reer Brazil sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxay England ee Daily Express.

Sandro waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qatarsan daafaca bidix,waxaana loo arkaa mid si weyn ula qabsan kara shaxda ay isticmaalaan macalimiinta Chelsea iyo Manchester United.

United ayaa dooneysa inay jabiso rikoorka ugu qaalisan ee daafac looga iibsado suuqa, marka ay 60 milyan oo ginni kula wareegto daafaca Juventus Alex Sandaro.

Sida laga soo xigtay wargeysyada England, Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu £ 80 milyan ku bixiyo suuqa kala iibsiga bisha soo aadan, waxaana uu diyaar u yahay inuu 60 milyan oo ginni ku qarash gareeyo saxiix daafac bidix.