????????????????????????????????????

Kooxaha Heegan iyo Banaadir Sports Club ayaa galabta kuwada cayaari doona garoonka Banadir Stadium ee degmada Cabdicasiis, kulan Saaxiibtinimo.

Labadan kooxod ayaa kamid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka heerka koowad ee dalka Soomaaliya.

Kooxda Ciidan booliska ayaa sanadkan sameysay saxiixyo kala duwan ay kala soo saxiixatay kooxaha heerka koowad, waxaana kamid ah xidigaha dhawaan galka kooxdan,
Cabdicasiis Catoosh oo ka yimid Dekedda, Mustaf Nakuja oo ugu soo biiray kooxda Jeenyo iyo Niyanzi Ronaldo waa xidigee ku guuleystay kabta dahabka ee horyaalkii soo idlaaday 2016-17, wuxuuna ugu soo biiray kooxda jaalayasha ee Elman .

Sido kale Heegan waxey la soo saxiixatay macalinkii hogaaminaye kooxda Elman sanadkii dhamaaday 2016-17 ee Ruberto Mayanja.

Banaadir Sports Club wajiyada ku cusub waxaa kamid ah Xasan Santo oo kayimid kooxda Dekedda, Deeq Aaryo oo kugu soo biiray kooxda Heegan, Daadir camo oo ay kala soo saxiixatay kooxda Jeenyo iyo xidigo kale.

Labadan kooxod ayaa si weyn iskugu diyaarinaya horyaalka dhawaan ka furi doona magaalada muqdisho bishan 22-deeda.

Heegan horyaalkii dhamaaday 2016-17 waxey ku dhameysatay kaalinta 4-aad ee horyaalka halka Banaadir Sports Club ay ku dhameysatay kaalinta 2-aad ee horyaalka.

Ogeysiis kulanka:

Kulanka: Friendly Mach
Kooxaha: Heegan vs Banaadir Sports Club

Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:45

W/Q: Cabdi fitaax nani