Xiriirka kubadda cagta ayaa shacaa ka qaaday in dib loo dhigay kulankii Final-ka Tartanka General Daa’uud 2016-17.

Labada kooxod Elman iyo Jamhuuriya ayaa ku balansana Finaalka Tartanka General Daa’uud ineey ciyaaran maanta ay taariiqda ku began tahay 16-10-17 balse dib ayuu u dhacay kulanka.

Soomaaliya ayaa ku jirta maalmihii mugdiga madaama ay musiibo dhacday 14-bishan waxaana ku dhintay xidigo ka ciyaara horyaalka Soomaaliya iyo qaar la lasan yahay ilaa hada dhimasho iyo nolol taas ayaa loo sababeyn kara inuu ku baaqday kulanka.

 Xafiiska Xiriirka ilaa hada kama soo bixin waqtiga la ciyaare doono balse saacadaha soo aadan ayee ku dhawaaqi doonan sida aan wararka ku hileyno.