Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa aaminsan in Marouane Fellaini uu ku qancin doono mustaqbalkiisa Old Trafford.

Manchester United ayaa guul soo daahday oo waqti dambe timid waxay ka heshay dhigeeda Arsenal, oo ay kula dheeleen Old Trafford.

Marouane Fellaini ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester United, laakiin tababaraha Jose Mourinho ayaan diyaar u ahayn inuu u dabaaldego.

laacibka  heerka caalami ee xulka  Belgium ayaa la kulmay saddex jeer bishii lasoo dhaafay macalin Jose Mourinho, inkastoo la isku fahmi waayay wadahadalka.

Xiddiga 30 jirka ayaa iska diiday dalabkii ugu dambeeyay kooxda Manchester United usoo bandhigtay, sida laga soo xigtay wargayska Daily Star.

Maroune Fellaini ayaa soo jiitay kooxaha waaweyn ee Yurub, iyadoo kooxda Paris Saint-Germain, Juventus, Monaco, West Ham iyo Leicester ay doonayaan ay la wareegaan xagaagan.

Fellaini ayaa kursiga keydka ku soo bilaabay ka dib markii uu goolka guusha u dhaliyey United kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Arsenal ee ka dhacay Old Trafford axadii, seddex dhibcood ayayna ka heleen booska xilli ciyaareedka soo aadan ee Champions League.

Heshiiska xiddiga reer Belgium ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana lala xiriirinayaa inuu si xor ah ugu biiro kooxda ka dhisan Yurub ee Paris Saint-Germain ama Juventus.

Fellaini ayaa keliya afar kulan oo Premier League ah ku bilowday xilli ciyaareedkan, laakiin goolkii guusha ee Arsenal wuxuu ahaa goolkiisii ​​afaraad ee xilli ciyaareedkan, Mourinho ayaana kalsooni ku qaba inuu 30 jirkaan khadka dhexe ka dhaadhicin karo inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Old Trafford.

“Mawqifku waa inaan ku dhow nahay, lakiin Banooniga ayaan laysku haleyn karin” ayuu Mourinho u sheegay shir jaraa’id ka dib ciyaarta.

“Waxaan u maleynayaa in ay isku dhawaansho jirto laakiin ma dabaaldegi karo, sababtoo ah maba haayo wax xaqiiq ah, waxaan doonayaa inaan arko warqada cadcad ee United iyo [madax sare] Ed Woodward iyo saxiixa Marouane markaas ayaan dabal degi kara.

“Waan ku faraxsanahay 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay” ayuu yiri Mourinho. “Waxaan u maleynayaa in 70 daqiiqo aysan jirin farqi cad oo u dhaxeeya labada kooxood, waxaana u ciyaareynaa si cad inaga oo raadineyno dhibcaha aan u baahanahay, Arsenal ma ahaa koox yar sababtoo ah waxay ku jirtaa xaalad la mid ah xilli ciyaareedkii hore, diirada uu saarneyd semi-finalka Europa League.

Isku soo wada duubo. Labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen muuqaal ciyaareed waali ah, waxaana qeybta koowaad lagu kala baxay 1-0.

Goolkaan ayaa waxaa ku hogaamineysay Manchester United, waxaana daqiiqadii 15aad udhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Paul Pogba.

Markii dib leyskugu soo laabtay qeybta labaad ayaa waxaa ay soo bandhigeen wiilasha Arsenal bandhig wanaagsan taasoo inay barbaro ay ka dhigaan usahahay.

Xidigii hore ee Red Devils, Henrikh Mkhitaryan ayaa wuxuu dhaliyay goolka garbo siman ka dhigay kulanka, wuxuuna ahaa mid aad qurux badan.

Goolkaan oo uu dhaliyay daqiiqadii 50aad ayaa waxaa uu yahay midkiisii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo Manchester United.

Mkhitaryan waa uu diiday inuu ku dabaaldego kooxdiisii hore, kadib markii uu goolku dhaliyaye, isagoona sharaf umuujiyay.

Inta kulanku uu socday ma jirin ciyaaryahan Kaarka Gaduudan la siiyay, inkastoo jalooyin ay jireen kuwaasoo hal dhinac ah.

Arsenal ayaa waxay qaateen Jaalahaas, waxaaan loo taagay laacibka lagu magacaabo Xhaka, kaasoo kulanka si fiican udheelay.