Massimiliano Allegri, macalinka Juventus ayaa si cad daboolka uga qaaday inuu doonayo in Cristiano Ronaldo uu ku guuleysto abaalmarinta xidiga sanadka ee loo yaqaano THE BEST.

Biladaan waxaa ku tartamaya Maxamed Saalax, Luka Modric iyo Joogdheeraha Marwadda Duqda.

Hogaamiyaha Juve ayaa cod dheer ku qeexay in Ronaldo uu yahay mid uqalma inuu hanto biladaani.

“Hadal la’aan waxaan sumcad uhayaan Modric,” ayuu Allgeri u sheegay warbaahinta kahor kulanka horyaalka.

Dhanka kale Mesut Ozil ayaa dareensan in saaxiibkiisa hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo uu yahay Ciyaaryahan Sharaf iyo Qadarin mudaan.

Cristiano Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu weyn ee abid soo mara kubada cagta, sida uu sheegay saaxiibkiisii ​​hore ee Real Madrid Mesut Ozil.

Labada ciyaaryahan ayaa ku guuleystay horyaalkii LaLiga sannadihii 2011-12, lakiin labadii sano ee u dambeysay ayey uu kala hayameen mid ba koox , Ozil oo uu hayaamey, Arsenal sannadkii 2013, halka Ronaldo uu ugu biiray Juventus heshiis ku kacay 112 milyan oo ginni bishii July.

Cristiano Ronaldo ayaa furay xisaabtiisii ​​Juventus markii uu 2-1 kaga soo badiyay Sassuolo axadii isagoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto seddexdii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka, halka Ozil uu cadeeyay inuu 200 kulan saftay Arsenal isagoo ka dhaliyay labo gool kooxda Newcastle United maalin ka hor.

Inkastoo uu maqaalkiisa ku qoray website-ka Arsenal, Ozil ayaa amaanay qaab ciyaareedka Ronaldo, waxaana uu sheegay in xiddiga reer Portugal uu ku dhiirogeliyay inuu ka shaqeeyo sidii uu u horumarin lahaa xirfad ciyaaredkiisa.

“Dadku marwalba waxay i weydiiyaan in aan la soo ciyaarey Cristiano Ronaldo sidaan uu arko, wax walbana waxaan dhihi karaa ma aanan arag qof sida isaga oo kale ah” ayuu yiri Ozil.

“Waxaa weeye Qof dadaal badan, waana ninka ugu horeeya ee yimaada garoonka waqtiga tababarka, ahna kan ugu dambeya inuu baxo Marka Tababarka uu dhammado, waa xirfadle, mar walba waxa uu doonayaa inuu ku guuleysto xirfadiisa shaqo, xitaa tababarka, Dabcan waxaan fiiriyey waxa uu sameynayo, xitaa wax ugu fudud sidaa uu banooniga uu tuuro xiliga uu goolka dhalinaayo

“Waan ku riyaaq sanahay inaan la ciyaaro, sababtoo ah wuxuu iga dhigaay mid ku sii wanaajiyaa xirfada garoonka dhexdiisa, waana ciyaaryahan weyn, sidoo kale waxaan siiyay caawinaad badan mana u baahni inaan xusuusiyo taas hadda!

“Way fududayd in aad la ciyaarto isaga sababtoo ah uma baahnid inaad abuurto fursado badan, xittaa haddii aan u dhiibay labo baas, wuxuu dhalinaya laba gool, waana sababta uu isagu u yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waa weyn kubada cagta soo marey xiligaan aan joogno.