Browsing

Video

Daawo: Nin Imaam Masjid ahaan jiray oo Muqdisho loogu maxkam…

Muqdisho (Axadle) – Cabdifataax Cali Cumar, oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa loo haysta dhaca iyo jirdalka ku dhawaad 60 haween ah. Cabdifataax ayaa waxa uu wajahaya kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray bulshada, kadib markii uu maxkamadda kasoo muuqday asaga oo loo haysto in uu xiriir Jaceyl la sameeyay dumar badan si uu u dhaco. Eedeysanaha ayaa meel sarre ka gaaray faafidda diinta Islaamka, isaga oo soo noqday Imaam masaajid, haddana bilaabay inuu ku kaco…

Daawo: Farmaajo: Dalkaan waxaa isku haysta laba afkaar oo ka…

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Farmaajo ayaa khudbadiisa isku dul-taagay ‘waddaniyada’ oo uu sheegay inay soo noqotay muddooyinkii dambe, asaga oo tusaale usoo qaatay dhalinyaro badan oo sanadkaan u dabaal-dagayey munaasibada 1-da Luulyo. Waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, islamarkaana…

Video: Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay arrin culus oo …

Muqdisho (Axadle) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasi oo lagu sheegay in gobolka uu canshuur sharci darro ah kusoo rogay goobaha waxbarashada. Maamulka gobolka ayaa beeniyay inay canshuur dul dhigeen goobaha waxbarashada, islamarkaana ay ciidamo u adeegsadeen in amarka canshuurta la dhaqan-geliyo, sida lagu sheegay qoraal ururka jaamacadaha kasoo baxay Taladaada. “Waxaa xaqiijinayna inaysan jirin canshuur uu maamulka gobolka Banaadir ka…

Daawo: Booliska oo war ka soo saaray howlgalkii cuslaa ee ka…

Muqdisho (Axadle) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu soo qabqabtay burcad maalmihii u dambeeyey dhac xoog leh ka geysatay qeybo badan oo ka tirsan Caasimadda Muqdisho. Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in burcad dhac laba maalin ka hor dhac u geysatay dukaan ku yaalla isgoyska Soobe ay ku guuleysteen inay soo qabtaan mid ka mid ah labadii nin ee dhaca u geysatay dukaankaas oo aad baraha bulshada loogu…

Daawo: DF digniin culus ka soo saartay munaasabadda 1-da Luu…

Muqdisho (Axadle) – Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Buula-Kamey ayaa soo saaray digniin ku socota ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo la xariirta dabaal degga munaasabadda 1-da Luuliyo. “Ummada Soomaaliyeed ee u dabaal degeysa munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa mamnuuc ah in rasaas lagu argagixiyo ama dhibaato ay u geysato,” ayuu yiri Jeneraal Buulakamey. Xeer ilaaliyaha ayaa qiray in sanadkii hore rasaas ay rideen ciidamada dowladda ay shacabka u geysatay…

Video: Saraakiil ballan-qaad u sameeyay qoyskii laga dilay C…

Muqdisho (Axadle) – Saraakiil ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo ay kamid ahaayeen taliye ku-xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka, taliyaha qeybta galbeed, taliyaha saldhiga degmada Wadajir iyo guddoomiyaha degmada ayaa gurigooda ku booqday qoys dhawaan warbaahinta ka sheegay inay cadaallad u waayen dil loo geystay wiil ay dhaleen. Saraakiisha ayaa qoyska wiilka laga dilay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Cali Atoore ayaa waxay u ballan-qaadeen inay cadaalada marsiin doonaan dambiilaha ku eedeysan dilkaas,…

Xeebaha Soomaaliya oo lagu qabtay Markab sii sharci daro ah uga Kalumaysan

Boosaaso (Axadle) – Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Markab kalluumeysi oo si sharci darro ah uga jilaabanayey biyaha Soomaaliya, sida saraakiisha ciidamada badda Puntland ay warbahinta u sheegeen. Ciidamada oo warbaahinta u soo bandhigay markabkaas ayaa sheegay in ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii ay ka war heleen inuu halkaas ka wado Jariif. Sarkaalkii hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay markabkaas ayaa sheegay in wax sharci ah uusan…

Daawo: Xildhibaan Zakariye oo shaaciyey inuu askarta maqan k…

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, islamarkaana uu wax ka weydiiyey nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed ee la weysan yahay. “Shakhsiyan anigu waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax Eritrean ah, hade eyagu kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna…

Daawo: Jawaari oo raali gelin u diray madaxweynaha Jabuuti -…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad maanta lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti. Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo. Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa…

Daawo:Afduub ka billowday duleedka Muqdisho iyo dhallinyaro laga b…

Muqdisho (Axadle) – Cabsi xooggan ayaa lasoo daristay dadka ku nool duleedka Caasimadda Muqdisho ee Axadle Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ka dhaceen falal is daba joog ah oo guryahooda looga afduubtay wiilal dhallinyaro ah, labadii todobaad ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Axadle. Kooxo hubeysan ayaa todobaadkii hore oo kaliya deegaanka Ceelasha Biyaha ka afduubtay 4-qof oo 3 kamid ah ay yihiin dhallinyaro da’dooda ay u dhaxeyso 13 ilaa 16, halka qofka kalena uu ahaa oday 60-sano jir…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More