Browsing

Video

Daawo: Barkhad Jaamac Batuun oo maanta ku dhaqaaqay tallaabo…

Hargeysa (Axadle) – Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii kusoo baxay doorashadii golaha wakiilada Gobaladda Waqooyi, islamarkaana ka keenay codad aad u badan ayaa maanta ku dhaqaaqay arrin cajiib ah oo ugu mahad celinayo taageerayaashiisa. Barkhad Batuun ayaa iibiyey gaari uu lahaa si uu kaalmo lacageed oo mahad celin ah u gaarsiiyo shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May. Tallaabada uu qaaday Xildhibaan Batuun ayaa lagu tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah geyiga Gobaladda Waqooyi, maadama…

Daawo: DF oo war kasoo saartay rasaastii lagu furay madaxwey…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas galabta lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo aysan ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. “Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan…

Wareysi: Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiye…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale. Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo,…

Daawo: Goorta lasoo xirayo shirka Afisyooni oo la shaaciyey …

Muqdisho (Axadle) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, sida uu shaaciyey xafiiska Rooble. Shirkan waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan, waxaana la isku afgartay inta badan qodobadii la isku hayey. Af-hayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka oo maanta…

Muqdisho oo kulan weyn Logu qabtay ciidankii diiday Mudo kororsiga

Muqdisho (Axadle) –Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayey saraakiishii, askartii  iyo mas’uuliyiintii sida xoogga ah uga hor-tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu dhawaan sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulankaas oo ay kasoo muuqdeen xildhibaano, odayaal dhaqan iyo saraakiil isku heyb ah oo ka soo wada jeeda beesha Murusade ayaa geesiyaal Qaran loogu aqoonsaday ciidamadii Badbaado Qaran ee gudaha u soo galay Caasimada Muqdisho,…

Dowlada Federalka oo beenisay in heshiis hordhac ah lagu gaaray shirka Doorashooyinka

Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa beeniyay warar soo baxayay maanta oo ah in heshiis hordhac ah laga gaaray shirka. Maxamed Ibraahin Macalimu ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugaga hadlay kulankii maanta uga furmay magaalada Muqdisho Dowlada Federalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. “Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare…

Daawo: Imaam Maxamed Yuusuf oo war ka soo saaray rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Axadle) - Imaam Maxamed Yuusuf oo sheegta inuu yahay Imaam Mudulood ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, ee u dhaxeeyay madaxda xilka ka degaysa iyo mucaaradka. Imaamka ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuuna codsaday in la xoojiyo nabada, iyadoo laga fogaanayo dagaal cusub oo dalka ka dhaca. Wuxuu ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii Sebtember 17 si loo…

WAR DEG DEG AH: Farmaajo oo shaaciyay inuu dib ugu laaban doono BF

Muqdisho (Axadle) - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeediyay khudbaddii uu ballan-qaaday, kadib markii ay garabkiisa baneeyen hoggaamiyasha dowladda taageersana, kaasoo si cad uga soo horjeestay kordhinta waqtiga sharci-dejinta ee 12-ka Abriil. Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay weerar afka ah ku qaaday dowlad gobaleedyo iyo ajnabi gaar ah oo carqalad ku ahaa doorashooyinka si nabad ah uga dhaca dalka ayaa soo dhoweeyay wada hadalada saacadihii la soo…

Xundubey: Dhibaatada ka taagan Muqdisho waxaay gabaad iyo fursad kartaa Sineysaa Al-Shabaab iyo Daacish

Muqdisho (Axadle) - Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka. Wasiir Xundubey wuxuu sheegay in xoogaga ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ay ahaayeen xoogag leh dhaqan mooryanimo oo uu sheegay inay dhac iyo dil u geysteen dad rayid ah. Wasiirka amniga ayaa sheegay in ciidamada ay ku qasbayaan dadka shacabka ah inay ka baxaan guryahooda, taasoo uu ku tilmaamay nasiib daro. Xundubey oo…

Mid kamid ah hogaamiyaasha hogaamiyaasha mucaaradka ayaa hadlay

Muqdisho (Axadle) - Ciidamada Milatariga ee ka soo horjeeda muddo kordhinta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa fariisimo cusub ka sameystay degmada Howl-Wadaag gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Cabdulqaadir Maxamed Warsame oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii dagaalka kula hadlay warbaahinta aagaga dagaalka ee degmada Howl-wadaag ayaa sheegay in xoogaga ka soo horjeeda kordhinta ay la wareegeen degmooyinka Shanta-Geed, Bakaaraha, Sayidka iyo Hotel.…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More