Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Maalinti  Shalay Ahedy oo ku beegneyd Khamiis heshiis logu yeeray mid rasmi ah ku kala saxiixday maamulka Somaliland iyo madaxda shirkadda DPW ee laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta xili aysan Dawladd Itoobiya aysán Goob joog ka aheyn, taasoo maamuleysa dekadda magaalada Berbera.

Shirkadda DPW ayaa waxa ay ballaarin doontaan dekedda iyadoo ku dari doonta 400 oo mitir sida horray ugu heshiiyeen Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka laga lee yahay labo sanno ka hor.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan, oo ah guddoomiyaha guud ee shirkadda DPW ayaa xafladda ka dhacday magaalada Hargeysa, ku sheegay in ballaarinta dekadda ay la wareegtay shirkad la yiraahdo Al-Nahda taasoo dhisi doontan dekedda Berbera oo la ballaarin doono.
Waxa kale oo uu sheegay taarikda ay lee dahay dekadda Berbera iyo goobta ay ku taallo.

Waxa uu sheegay maanta in waqtiga la billaabayo dhismaha ay tahay balse ma sheegin maalin rasmi ah oo howsha dhismaha dekedda Berbera la billaabayo.

Somaliland waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, halka shirkadda DPW uu u saxiixay Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo ah guddoomiyaha shirkadda DPW iyo

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa sheegay Somaliland in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca dekeddaha ee ka socda geeska Afrika.